933 Views

AMISOM oo si kulul u hadashay Weerarkii Madaafiicda ahaa ee xalane lagu qaaday.

AMISOM oo si kulul u hadashay Weerarkii Madaafiicda ahaa ee xalane lagu qaaday.
____________________________________________________________________________

Muqdisho /Qol/  March 9, 2021 

War ka soo baxay taliska AMISOM ayaa waxaa si kulul looga hadlay weerarkii Madaafiicda ahaa ee maanta lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho

AMISOM ayaa sheegtay in seddex askari ay ku dhaawacmeen, islamarkaana xiligan xaaladu ay tahay mid degan

Maanta ayay aheyd markii weerar culus oo loo adeegsaday hoobiyaal lagu garaacay Xerada Xalane, oo qayb ka ah xayndaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Ilaa iyi lix hoobiye ayaa lagu weeraray Xarunta Xalane.

Xarunta Xalane oo si weyn Amnigeeda loo ilaaliyo, islamarkaana ay deggan yihiin hay’adaha Reer Galbeedka, waxaa marar kala duwan lagu weeraray madaafiic hoobiyaal ah.

Sidoo kale Weeraradii saakay lagu qaaday Xalane ayaa waxaa sheegtay Al-shabaab.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post