1404 Views

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo is casila

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo is casila
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 19, 2018 –Wasiirka Wasaarada arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Puntland oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegey in uu iska casilay xilka Wasiirnimo ee uu ka haayey Puntland.

Cabdullahi Cali Xirsi Timo-Cadde ayaa sheegay in uu warqadda is casilaadda uu u gudbiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo u magacaabey xilka wasiirnimo sanadii 2017.

Wasiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyey Madaxweynaha,Kuxigeenkiis,Golaha wasiirada iyo dhamaanka shacabka Puntland.

Sidoo kale waxaa la sheegey in Wasiir Timo-Cadde saacadaha nagu soo aadan uu ku dhawaaqi doono in uu yahey Musharrax u taagan Doorasha Madaxweyne ee Maamulka Puntland oo dhawaan la filayo in ay ka qabsoonto deegaanada Puntlan.

Waxaa horey Garowe iyo magaalooyinka kale ee maamulka Puntland ugu sugnaa tiro musharixiina oo u tartamayay Kursiga Madaxweynaha maamulka Puntland ee shanta sano ee soo socota.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment