771 Views

Midowga Yurub oo kasoo horjeestay xukuno qisaas ah oo Somaliland fulisay

Midowga Yurub oo kasoo horjeestay xukuno qisaas ah oo Somaliland fulisay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 28, 2020 –Ururka Midowga Yurub ayaa kasoo horjeestay qaabka loo maray lix ruux oo dhawaan lagu toogtay Magaalada Hargeysa ka dib markii Maxkamaddaha ku yaalla degaanada Somaliland ay ku rideen xukuno dil ah.

Midowga Yurub ayaa sheegey in aad uga xumaadeen lix qof oo dhawaan lagu qisaasay Somaliland ayna kasoo horjeeddaan qaabka loo maray ciqaabta dadkaasi.

Ururka waxaa uu sheegay in aan lasoo bandhigin cadeymo muujinaya dambiyada ay galeen, taasna ay tahay mid ay aad uga naxeen.

“Midowga Yurub wuxuu leeyahay mowqif mabda ‘ah oo ka dhan ah ciqaabta dilka waxayna ka soo horjeedaan adeegsiga ciqaabta dilka xaalad kasta ha noqotee” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Ururka.

Magacyada ragga ay Somaliand toogashada ku fulisay iyo deegaanada ay ka soo kala jeedaan ayaa ah sidan.

1-Farxaan Maxamed Xasan (Buuhoodle )

2- Cabdillaahi Ismaaciil Xayd (Burco)

3- Axmed Ibraahin Faarax (Burco)

4-Khadar Aleel Xirsi (Gabiley)

5- Xasan Muxumed Cismaan (Hargeysa)

6- Caydaruus Khadar Haybe (Hargeysa)


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post