135 Views

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya oo kawada hadlay Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya oo kawada hadlay Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Dowladda Turkiga ayaa meel cad ka istaagtay qadiyadda muranka badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana ay sheegtay in ay garab taagan tahay jamhuuriyadda federalka Soomaaliya tallaabo kasta ay ku difaacanayso madaxbannaanideeda iyo gobobannimadeeda, kadib heshiiskii isafgarad ee Addis Ababa.

Dowladda Turkiga ayaa ku biirtay dowladaha ururrada sida gaargaarka ah uga hadlay taageeradana ugu muujiyay dowladda Soomaaliya, xilli ay kamid tahay dowladaha Soomaaliya ka taageera tabarikaciidanka iyo dib u dhiskooda, xilli dhowaan Soomaaliya laga qaaday cunaqabateynta hubka bishii December 2023.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan ayaa uga mahadceliyey mowqifka garab istaagga ah ee shacabka iyo dowladdu Turkigu ay ka muujiyeen faro-gelinta iyo xadgudubka Itoobiya.

Labada Madaxweyne ayaa wadajir u tilmaamay muhiimadda ay caalamka u leedahay xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika, iyagoo xoojiyey doorka walaalaha Turkigu ay ka qaadanayaan dib u dhiska iyo dowladnimada Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jirto xilligaan Al-shabaab oo muddo socday.

Dowladaha Mareykanka, Ingriiska, Norwey, Midowga Yurub Ururka Midowga Afrika, Urur-goboleedka IGAD ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay xiisadda ka soo cusboonaatay gobolka geeska Afrika eek u aadan muranka Badda, iyadoo Itoobiya loogu baaqay iney ixtiraamto madabannaanida Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post