759 Views

Madaxweynihii ugu horreeyay ee kacaanka Iiraan oo ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Paris ee dalka Faransiiska

Madaxweynihii ugu horreeyay ee kacaanka Iiraan oo  ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Paris ee dalka Faransiiska
____________________________________________________________________________

Sabti: October 9, 2021

Madaxweynihii ugu horreeyay ee kacaanka Iiraan Abolhassan Banisdar, ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Paris ee dalka Faransiiska kaddib muddo dheer oo uu xanuunsanayay.

Banisdar oo da’diisu aheyd 88 sanadood, wuxuu dalka Iran uu madaxweyne ka soo noqday 1979-kii xilligi uu curtay kacaanka Iran uu horkacayey Aayatullaah Ruhollah Khomeini, isaga oo kacaanka kaga soo biiray dalka Faransiiska.

1980-kii marka uu xilka madaxweynanimada uu hayey 16 bilood ayaa xilka madaxweynanimada uu ka xayuubiyey baarlamaanka dalka Iran, wixi intaa ka dambeeyeyna wuxuu u baxsaday Faransiiska isaga oo magangalyo siyaasadeed ka helay.

Banisadr ayaa Iiraan lagu xiray 1960-yadii kaddib markii uu ka soo horjeestay boqortooyadii Shah ee dalkaasi ka arriminaysay.

Madaxweynanimada ka sokoow wuxuu Banisdar uu dalka Iran uu ka soo qabtay xilal ay ka mid yihiin wasiirka dhaqaalaha iyo wasiirka arrimaha dibadda.

.BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post