1446 Views

Ciidanka NISA oo howlgal ku qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka NISA oo howlgal ku qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Talaado:  November 16, 2021

Ciidamada ammaanka gaar ahaan Ciidanka Hubaysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal bartilmaameedkiisu qorshaysnaa ka fuliyay Degmada Dharkeenley iyo degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

War kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Duufaan ee NISA  ayaa waxaa  ay sheegeen in howlgalka ku qabteen laba Sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo muddo lagu raad joogay, isla markaana xogtooda ay hayeen Ciidamada

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in Saraakiisha la qabtay ay kala ahaayeen  Sarkaal ka tirsan Amniyaadka iyo mid ka midda Saraakiisha  Miina aasa ee Al-Shabaab, kuwaas oo laga soo kala qabtay Deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Weedow.

” Waxaa boggaadin mudan shacabka Soomaaliyeed oo si wanaagsan Sirdoonka ula shaqeeyey, xogta Saraakiishaana la wadaaga laamaha Sirdoonka ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Ciidanka Duufaan ee NISA.

Habeen ka hor ayay aheyd markii Ciidanka hubeysan ee Duufaan ee NISA howlgal ay ka sameeyeen Degmooyinka Hawlwadaag, Yaaqshiid iyo degaanka Ceelasha Biyaha ay kusoo qabteen Saddex Sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post