726 Views

Diiwaangelinta Musharrixiinta Golaha Shacabka oo ka billaabatay Baraawe

Diiwaangelinta Musharrixiinta Golaha Shacabka oo ka billaabatay Baraawe
____________________________________________________________________________

Magaalada Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa Maanta ka billowday diiwaangelinta musharrixiinta 13 kursi ee Golaha Shacabka, kuwaas oo guddiga doorashooyinka dhawaan shaaciyeen.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Shahaadada Musharaxnimada Xildhibaan Guddoonsiiyey Dr Cali Saciid Faqi oo ah guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, kaas oo u tartamaya Kursiga Hop-187.

Cali Saciid Fiqi ayaa la filayaa in kursigaan kusoo baxo, waxaana horay ugu fadhiyay Shariif Sheekhunaa Maye.

Sidoo kale Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  ayaa Shahaadada Musharaxnimada Xildhibaan Gudoonsiiyey Xamza Saciid Xamza oo ah Wasiirka Dhalinyarada & Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya, kaas oo u tartamaya Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-194.

Kursiga HOP#194 ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ku fadhiyay isla Xamza Saciid Xamza, isaga oo Burci Maxamed Xamze oo sanadkii 2016-kii ku geeriyooday qarixii ka dhacay Hotelka Naasa-Hablood ee Magaalada Muqdisho.

Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Shahaadada Musharaxnimada Xildhibaan Gudoonsiiyey Cal sheekh Maxamuud Nuur oo  u tartamaya Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-143.

Kursiga Hop-143 ayaa waxaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Cali Sheekh Maxamed Nuur, waxaa sidoo kale Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka ay Shahaadada Musharaxnimada Xildhibaan Gudoonsiiyeen Alwiya Saciid Cabdullaahi oo u tartamaysa kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-148.

Kursiga Hop#148 ayaa waxaa ku fadhisa Aamina Xasan Cali, waxaa sidoo kale Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay Shahaadada Musharaxnimada Xildhibaan Gudoonsiiyey Maxamed Cumar oo u tartamaya Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-162, kaas oo uu ku fadhiyo Cali Sheekh Cabdullaahi.

Musharrixiinta Maanta shahaadada musharraxnimo la guddoonsiiyay ayaa waxaa kamid ah Muqtaar Axmed Xasan ( Saajid) oo U-tartamaya kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-057, kursigaas oo uu hadda ku fadhiyo Axmed Cumar Isloow.

Kursiga Hop#062 ayaa Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed u diiwaangeliyeen Aweys Maxamed Cumar, kaas oo uu hadda ku fadhiyo Cali Yuusuf Cismaan, halka Kursiga Hop#195 isla Maanta loo diiwaangeliyay Maxamed Xasan Maxamed (Murjaan) oo hadda uu ku fadhiyo Maxamed Nuuraani Bakar.

Sidoo kale Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa u diiwaangeliyay Kursiga Hop#163 Isaaq Maxamed Maxamuud oo kursigaan horay ugu fadhiyay halka Kursiga Hop#251 loo diiwaangeliyay markale Nuuralcayni Khaliif Sheekh oo horay ugu fadhiday.

Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  ayaa Shahaadada Musharaxnimada Xildhibaan Gudoonsiiyey Mohamed Abdalla Ahmed oo U-Tartamaya Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-145, waxaana kursigaan ku fadhiya Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ayaa la filayaa inay maanta soo geba-gabeeyaan diiwaangelinta musharrixiinta si Maalibta berito ah loo qabto doorashada qeybta 1aad 13 kursi ee horay loo shaaciyay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post