783 Views

Shirkii uu ku baaqay Farmaajo oo baaqday

Shirkii uu ku baaqay Farmaajo oo baaqday
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 202021–
Ciidamada Dawladda ayaa weerar toos ah ku qaaday Murashaxiin ay kamid yihiin Khayre iyo Abdirahmaan Abdishakur oo banaanbax salmi ah ku marayay wadadda Airportka Muqdisho kuwaas oo kusoo waajahnaa KM4.

Ciidanka ilaalada ka hayay Musharaxiinta iyo banaanbaxayaasha ayaa waxaa dhexmaraya iska horimaad xooggan.

Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa sheegay in aysan banaanbaxa joojin doonin tan iyo inta laga helaayo doorashada lagu wada qanacsan yahay.

Xaalad adag ayaa ka taagan Muqdisho, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in shaqadii garoonka ay joogsatay.


xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post