828 Views

Deni oo daah-furay Shirka Madasha Bangiyada Islaamiga ah

Deni  oo  daah-furay Shirka Madasha Bangiyada Islaamiga ah
____________________________________________________________________________

Jimco: August 6, 2021

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Shirka Madasha Bangiyada Islaamiga ah oo muddo labo maalmood ah ka socon doona Garoowe.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shirweynaha Bangiyada, wuxuuna rajeeyay in hadii siwanaagsan loo hagaajiyo nidaamka Bangiyada dalka in dalku horumar fiican uu gaari doono. Wuxuuna la wadaagay madaxda Bangiyada ee Shirka ka qeybgalaysa in Dowladda Puntland ay ahmiyad gaar ah siisay horumarinta maalgashiga iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka.

Bangiyada waxaan rajeynaynaa inay maalgashi u sameeyaan dhallinyarada iyo fursadaha ganacsi ee ay sameyn karaan, Dowladd ahaana diyaar baan u nahay inaan idinkala qeybgalno, xagga la fududeynta in damaanada ” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Shirweynaha Bangiyada Islaamiga ah ee Soomaaliya oo ay ka qeybgalayaan illaa 10 Bangi oo ka kala yimi guud ahaan Soomaaliya oo dhan, waa kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lagu qabto Soomaaliya, waxaana kasoo qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Madaxda Bangiyada iyo Khuburo ku takhasustay dhaqaalaha adduunka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post