1098 Views

Xukuumadda ROOBLLE oo soo saaray go’aan la xiriira doorashooyinka dalka

Xukuumadda ROOBLLE oo soo saaray go’aan la xiriira doorashooyinka dalka
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 1, 2021

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimu oo qoraal soo saaray ayaa shaaciyey go’aanka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee ku aadan hunfnaanta doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka socda dalka.

Macallimuu ayaa sheegay in Maxamed Xuseen Roobe ay ka go’an tahay in la dhawro hufnaanta doorashada, isaga oo kaashanaya maamul goboleedyada iyo guddiyada kale.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa ka go’an isaga oo kaashanaya Golaha Wadatashiga Qaranka in la dhawro hufnaanta doorashada , waana sababta uu had iyo jeer guddiyada kala duwan ee doorashooyinka iyo guddiga xallinta khilaafaadka kulamada uu la yeesho uu ugu adkeeyo in ay doorashada u maamulaan si daahfuran,” ayuu yiri Macallimu.

Sidoo kale wuxuun intaasi ku daray in markastaa oo shaqo la qabto ay imaaneysoc cilad, balse loo baahan yahay in xallinteeda loo maro hanaan waafaqsan shuruucda dalka.

“Doorasho marka la fulinayo waa xaqiiqo in ay cillado la soo baxayaan ,balse hadii ay qaladaad dhacaan waa in sixitaankooda loo maraa hab waafaqasan habraacyada doorashada ee aaney noqon mid caadifad ku dhisan , waxana awoodaas iska leh guddiyada u xilsaaran howshaas,” ayuu markale yiri afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyey ”Ra’iisul wasaaruhu maaha garsoore seeri la taagan oo kiis walba laga doonayo inuu gaar u xalliyo,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya loo gudbiyey cabasho la xiriira doorashada Golaha Shacabka, isaga oo kadib kula la qaatay xubnaha Golaha Wada-tashiga Qaran oo uu si gaar ah ugula hadlay daah-furnaanta doorashada 2021-ka.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay doorashooyinka dalka baarlamaanka & tana madaxweynaha  oo kadib dhacday waqtiga loo qorsheeyey.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post