1116 Views

Baaq laga soo saarey dagaalka ka socda Magaalada Dhuusamareeb

Baaq laga soo saarey dagaalka ka socda Magaalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jimco  , Feberaayo 24, 2020 —Kadib markii Manta dagaal culus uu ka bilaawdey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug,kaas oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusunna ayaa waxaa dagaalkaas baaq kasoo saarey Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay ayaan darro tahay colaada kasoo cusboonaatay gobolka Galgaduud,isla markaana uu aad uga xun yahay dhibaatada kasoo gaareysa dadka Shacabka ah.

 

 

 

“Waxaa ayaan daro ah maanta colaada ka oogan Dhuusamareeb, waxaa aad ii damqaya Shacabka waxyeelada kasoo gaartay ee korkeeda lagu dirirayo Dowlada Fedraalka iyo Ahlu Suna waxaan ugu baaqaayaa in la joojiyo dagaalka oo xal aan qori aheyn wax lagu raadiyo ayuu yiri”Xildhibaanka.

 

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka iyo dhamaan reer Galmudug in loo kaco daminta colaada iyo xalka Galmudug si loo badbaadiyo dadka Shacabka ah ee korkooda lagu dagaalamayo.

 

Si kastaba wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in weli Magaalada Dhuusamareeb uu ka socdo dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Dowladda iyo kuwa Ahlusunna,isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment