1413 Views

Sawiro:-RW Ku Xugeenka Dalka Oo Kulamo Ka Wada Magaalada London

Sawiro:-RW Ku Xugeenka Dalka Oo Kulamo Ka Wada Magaalada London
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 09, 2019 –Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa gaaray Magaalada London ee dalka Ingiriiska,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha London ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool dalka Ingiriiska.

Waxa uu sheegay Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) in uu aad uga faraxsan yahay in uu yimaado UK,isla markaana la kulmo Jaaliyadda Soomaalida ah ee kunool dalkaasi.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa kulamo looga hadlayo adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood waxa uu la qaadayanaa hoggaanka boqortooyada Ingiriiska.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sidoo kale inta uu joogo dalka Ingiriiska waxa uu kulamo la qaadanayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas oo uu kala hadlayo ka qayb qaadashada horumarinta dalka.

Himilooyinkeeda tubta Siyaasadda loo dhanyahay oo kamid ah afarta tubood ee qaranka ayaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo iskaashi danta Soomaaliya ku jirto oo aan dunida inteeda kale la yeelanayo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment