852 Views

Madaxweynaha Jabuuti Geele oo markii shanaad ku guuleysatay madaxtinimada dalkaas, kadib markii uu helay 98.41% codadkii

Madaxweynaha  Jabuuti Geele oo markii shanaad ku guuleysatay madaxtinimada dalkaas, kadib markii uu helay 98.41% codadkii
____________________________________________________________________________

April 10-4-2021

Wararka ka imaanaya Dalka jabuuti ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu  markii shanaad ku guuleysatay madaxtinimada dalkaas, kadib markii uu helay 98.41% codadkii dadweynaha dadka reer Jabuuti ee doorashadii shalay.

Sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadan, sida ay soo werinayaan weriyaal ku sugan goobta ay ka soco tirinta codadka ee magaalada Jabuuti.

Hadal kooban oo uu shalay jeediyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, markii uu dhiibanayey codkiisa ayuu ku sheegay inay doorashadu si nabad ah ku dhacday, isla markaana uu sugayo natiijada doorashada.

Sidoo kale Madaxweyne Geelle, waxaa la tartamay ganacasade Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee doorashadan. Zakariye oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Jabuuti ayaa musharaxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii Janaayo ee sanadkan 2021-ka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post