1707 Views

Qareennada Kenya oo Maxkamadda sare ka dalbaday in Kenya ka baxdo Dacwadda ICJ

Qareennada Kenya oo Maxkamadda sare ka dalbaday in Kenya ka baxdo Dacwadda ICJ
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 29, 2019Urur ay leeyihiin Qareennada dalka Kenya ayaa gal dacwadeed geeyay Maxkamadda sare ee dalka Kenya.

Ururkan ayaa sheegay in dowladda Kenya ay tahay in ay ka laabato kiiska kala dhaxeeya Soomaaliya ee yaalla Maxkamadda ICJ.

Qareennadan oo ku mideysan Ururrada kala ah  Kinoti iyo  Kibe, ayaa sheegay in kiiskaan ka qeybgalka Kenya uu xad gudub ku yahay dastuurka Kenya gaar ahaanna qodobada dhinaca sohdinta ku saabsan.

Baaqooda ayey sidoo kale gaarsiiyeen xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Maxkamadda Sare ee Dalka Kenya.

Waxaa ay Maxkamadda sare ka codsadeen in ay si deg deg ah ugu dhawaaqdo in Kenya ay laashay ka qeybgalkeeda dhegeysiga kiiskan oo Maxkamadda ICJ ay billaabeyso Bisha September ee soo socota.

Talaadadii la soo dhaafay ICJ ayaa ku dhawaaqday dhegeyesiga dacwadda Kenya iyo Soomaaliya in ay billaabaneyso 9ka September iyada oo dal waliba la siiyay waqti la mid ah kan la siiyay dalka kale waxaana ay ku egtahay 13ka September.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment