513 Views

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo ku qaabilay Muqdisho Safiirka Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo  ku qaabilay Muqdisho Safiirka Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya.
____________________________________________________________________________


Talaado: May 31, 2022

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa shalay oo Isniin ahayd (30 May) ku qaabilay Caasimadda Muqdisho, FEI Shengchao, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee saaxiibka ah iyo siyaabaha lagu xoojin karo, laguna qoto-dheereyn karo, waxaa kale oo la isla fallanqeeyay gacan ka geysashada Shiinaha ee dayactirka iyo qalabeynta xafiisyada Wasaaradda Arrimaha Dibadda. 

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Shiinaha ayaa wada saxiixay dhammaystirka mashruuca dayactirka Wasaaradda, wajigiisa koowaad iyo labaad, iyagoo isla gartay in la dardargeliyo dhammaystirka mashruucda dayactirka qeybaha ka harsan dhismaha Wasaaradda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post