1326 Views

Cumar (Cumar finish) oo xariga ka jaray Wadadan laamiga ah oo isku xirta Degmooyinka Xamar Jajab Xamar weyne iyo Shingaani.

Cumar (Cumar finish) oo  xariga ka jaray Wadadan laamiga ah oo isku xirta Degmooyinka Xamar Jajab Xamar weyne iyo Shingaani.
____________________________________________________________________________

Waxaa maanta xariga si rasmi ah looga jaray wado cusub oo laami ah oo laga dhisay magaalada Muqdisho, waxaana wadadan oo bilooyin kahor la dhisay tahay mid ay adag tahay in gaadiidka shacabka maraan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa maanta xariga ka jaray Wadadan laamiga ah oo isku xirta Degmooyinka Xamar Jajab Xamar weyne iyo Shingaani.

Wadadan cusub ayaa hor marta Maxkamada gobolka Banaadir iyo xarumo kale oo dowlada leedahay , waxaana wadadan aan loo ogoleyn in ay maraan gaadiidka shacabka, waxaana lagu maraa kariya aqoonsi dowladeed .

Magaalada Muqdisho waxaa kuyaala wadooyin dhoor ah oo ka caagan in ay maraan gaadiidka ay wataan dadka shacabka ah, waxaana wadooyinkaasi kaliya awooda in ay maraan masuuliyinta , ciidamada iyo shaqaalaha dowlada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post