918 Views

Sheekh Bashiir: Nimanka Ahlu sunna la baxay & Al-Shabaab waa isku mid!

Sheekh Bashiir: Nimanka Ahlu sunna la baxay & Al-Shabaab waa isku mid!
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 18 2021=Sheekh Bashiir Axmed Salaad, gudoomiyaha hay’dda culimadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay isku midyihiin Ahlusunnada ay hoggaamiyaan Macalin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir ee ka dagaalanta goboladda dhexe Soomaaliya iyo Al Shabaab.

Sheekh Bashiir oo waraysi siinayay Channelka Youtubbe-ka ee BRIT SOMALI TV, ayaa sheegay in ay laba kooxood ay ka simanyihiin arragtida ah in qoriga lagu hirgaliyo xukunka ay doonayaan sida uu hadalka u dhigay.

“Al Shabaab iyo nimanka labaxay magaca Ahlusunna waxa ay ka midaysanyihiin fikar siyaasi ah oo hub lagu hirgalinayo oo awood iyo dagaal loo isticmaalayo” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

“Dowladda aad la dagaalamaysid, askariga Soomaaliyeed ama Dowladda ha ahaado ama kuwa maamulka ee tukanaya ee aad ku dilaysid xukunka ayaan kaa qabsanayaa waa dambi dilna waa isku dil” ayuu ku jawaabay mar wax laga waydiidayay in aysan qaraxyo ka fulin Ahlusnna goobaha dadwaynuhu  joogaan.

Sheekh Bashiir oo ka mid ah madaxda Jamaacada Al Ictisaam, ayaa sheegay in shaqada ugu badan ee laga rabo culimadda in ay tahay faafinta dacwada Islaamka.

“Qofka Sheekha ah shaqada u feecan ee uu qabo karo waa dacwo, waa wax u sheeg, marka maanta cid kastoo hub wadata, hubkaas is leh diinta ugu adeeg waxaan leenahay waa lagu soo gubtay faa’iido malahan dhiig xaaraan ah ayaad daadinaysaa, dad baad dulminaysaa, wax aan laguu diran oo aan diinta iyo Allah kuu diran ayaad isi saaraysaa, taas oo dulmi noqonaysa, diinta magaceeda aad ku ciyaaraysaa”   ayuu yiri Sheekh Bashiir isaga oo beeniyay in fikirka culimada Al Itixaad iyo Al Ictisaam ay ka dhasheen dagaalyanaha hubaysan ee Al Shabaab.

“Al Shabaabku markii ay wax naga diideen hubkii ayay qaateen jihaad aan loo dirsan ayay galeen umadii intii kale waa ay iska horyimaadeen….. marka jihaadka maahan shaqo kooxeed, jamaaceed ee waa shaqo umadeed “ ayuu hadalkiisa raaciyay.

Mar wax laga waydiiyay in hay’adda culimadda Soomaaliyeed ay Ahlusnna kala hadashay in dagaalka joojiyaan ayuu ku jawaabay  ”waa ka xunahay xiriir toos ah mala hilin laakiin dad kale ayaan u marsiinay waana u sheegnay in waxaan diin ahaan ay qalad yihiin”.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay in xilligii qoriga la qaadan jiray ay eheed waqtigii dalka dowlad la’aanta uu ahaa balse ay maanta qalad tahay in koox hubaysan ay deegaan qabsato sida uu hadalka u dhigay.

“Anaa ku xoreeyay anaa ku xukumaya qaanuun ahaan iyo diin ahaan waa khalad” ayuu ku dooday Sheekh Bashiir oo ka jawaabaya in Ahlusunna ay doonayso in xukunto goboladda dhexe madaama ay Al Shabaab ka qabtay 2009 inta badan bartamaha Soomaaliya.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo 11 September 2021, ku laabtay deegaanada maamulka Galmudug ayaa abaabulay ciidamo daacad u ah oo ay sheegeen in ay qaadayaan guluf ka dhan ah dagaalyahanada Al Shabaab.

Ciidanka ay abaabuleen oo u badan ciidankii ay ku wareegiyeen Dowladda Faderaalka ah bartamihii 2019, ayaa hada ku sugan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaas oo ay ka wareegeen ciidanka amaanka Galmudug iyo kuwa dowladda Faderaalka ah.

Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa  dhaqdhaqaaqa milatariga ka wada duleedka Guriceel oo ay ku doonayaan in maamulka magaaladda gacantooda ku soo celiyaan iyada oo  maalmihii lasoo dhaafay ay jireen hadalo ku saabsan in Jamaacada hubeysan ay doonayso in ay dib ula wareegto maamulka gobolka oo ay gacanta ku hayeen 2008-2020-kii.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post