1197 Views

Banaanbax ka dhan ah Ciidanka dowladda oo ka bilowday Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah Ciidanka dowladda oo ka bilowday Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 25 2020–Banaanbax looga soo horjeedo dil xalay degmada Boondheere loogu geystay labo ruux ayaa mar kale Saaka ka bilowday Isgoyska Jubba Magaalada Muqdisho.

 

Dadweyne Careysan ayaa isku soo baxay Wadooyinka, waxaan ay wataan taahiro, sidoo kalena dowladda dhexe ee Soomaaliya ayay ka dalbanayaan in ay Cadaalad helaan Muwaadiniintii xalay lagu dilay Muqdisho.

 

Banaanbaxan ayaa waxaa hormuud ka ah dhalinyaro degaanka ah.

 

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Askari dad shacab ah xalay ku dilay Magaalada Muqdisho.

 

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa xabsiga dhigay D/Le booliis 26869 Xasan Aadan Xasan  24 jir.

 

Waxaa loo heysta dilka labadda ruux ee kala ah:

 

1-Marxuumada Madiino Cabdullaahi Cabdi ina Faadumo Xuseen Maxamed 17 jir ah ku dhalatay Xamar dagan Boondhere,

 

2-Marxuun Xasan Cali Cadaawe ina Faadumo Cali Xasan 24 jir ah ku dhashay Xamar dagan Boondheere.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment