1173 Views

Muuse Biixi “Muqdisho waxaynu ku taggi karnaa oo keliya Basaboorka Somaliland”

Muuse Biixi “Muqdisho waxaynu ku taggi karnaa oo keliya Basaboorka Somaliland”
____________________________________________________________________________

Mogaisho | QOL |  June 26. 2020 Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibadda 26-ka June, ayaa waxaa uu ku dheeraaday natiijadii aan la mahadin ee ay Somaliland kala kulantay midnimadii ay la gashay Soomaaliya Afar maalmood kaddib xorriyadii ay Ingiriiska ka qaadatay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidoo kale shacabka u caddeeyey ujeeddada loogga gol leeyahay qodob dhinaca is-dhexgalka ah oo ku jirey qodobbadii kasoo baxay shirkii dhawaan Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ku dhex maray Jabuuti oo ay bulshadu siyaabo kala duwan u macnaysatay, waana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri, “Wixii is-dhexgelaya, horto siyaasadi iyadu way reebban tahay, xeer baana joojiyey oo iyadu kuma jirto, qofkii siyaasad u tagaana waa dambiile qaran, isdhexgalka kale wuxuu ku xirnaanayaa, tusaale ahaan koox kubadda ciyaaraysa, ayaaba la doonayaa inay tagaan Soomaaliya, waa inay tagaan iyaga oo Baasaboorka Somaliland sita oo dawladda Soomaaliya tagtay oo magaca Somaliland ku ciyaaraya.”

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post