474 Views

Doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu qabtay Jowhar

Doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu qabtay Jowhar
____________________________________________________________________________

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ku qabteen doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.
Kursiga Koowaad ee Hop#70 oo uu ka geeriyooday Aadan Cali Xasan (Aadan Jamhuuriya) ayaa waxaa Maanta ku tartamay Cabdiraxman Maxamed Sheekh & Maxamuud Cali Bariise, balse waxaa kursiga ku guuleystay Cabdiraxman Maxamed Sheekh.

Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle ayaa ku dhawaaqay in Cabdiraxman Maxamed Sheekh uu helay  71 cod, halka Musharixii la tartamayay uu helay 14 cod, waxaana halaabay 13 Cod.
Kursiga labaad ee Hop#115 ayaa waxaa ku guuleystay Cali Maxamed Cumar ( Cali Balcad) oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii ay u tanaasushay Marwo, Mulki Cabdullahi Islaaw.
Xildhibaan Cali Maxamed Cumar ayaa loo qaaday codka kalsoonida ee ergada oo ay soo xaadireen 87 Ergay, waxa uuna helay 86 cod halka 1 qof uu Codkiisa u diiday, waxaana gudsigu shaaciyeen in markale kursiga uu ku guuleystay Cali Maxamed Cumar ( Cali Balcad).
Magaalada Jowhar ayaa waxaa horay loogu qabtay doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacanka oo degaan doorashadoodu tahay Hir-Shabeelle, waxaana la filayaa in dhawaan kuraas kale lagu doorto Magaalada Jowhar.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post