891 Views

Madaxweyne Farmaajo oo maanta kulan la qaadanaya Amiirka Qadar

Madaxweyne Farmaajo oo maanta kulan la qaadanaya Amiirka Qadar
____________________________________________________________________________


Axad: March 6, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay fiidnimadii gaaray Magaalada Dooxa ee dalka Qadar, waxaa halkaas ugu bilaaban doona kulamo kale duwan uu la qaadanayo Madaxda dalkaasi oo uu ugu horreeyo Amiirka Dowladda Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.

Safarka Madaxweyanah uu ku tagay magaalada Dooxa waxaa uu qaadan doonaa muddo labo maalmood ah, inkastoo madaxtooyada aysan xusin waxyaabaha ay diirada ku saari doonaan wada hadaladooda Labada dhinac.

Dhinacyada qodobada ay ka wada hadli doonaan, waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay u sii ballaarin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada maalgashiga, diblumaasiyadda iyo horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha.Waa kan Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Xaashi ka warbixinaya Safarka Madaxweynaha iyo waxa uu daaran yahay.

Shantii sanno uu xafiiska Madaxtooyada joogay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyay Dowladda Qadar, taas oo iyana la garab taagneed xoojinta xiriirka labada dal iyo mid Iskaashi.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post