954 Views

Rooble oo taageeray go’aanka ka soo baxay guddiga FEIT

Rooble oo taageeray go’aanka ka soo baxay guddiga FEIT
____________________________________________________________________________


khamiis: April 14, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal soo saaray waxaa uu ku soo dhaweeyay go’aanka Guddiga FEIT ee ku aadan deegaan doorashada 2-aad ee Jubbaland.

” isagoo tixgalinaya xaqa matalaadda dadka Gobolka Gedo iyo ahmiyadda dhammaystirka doorashada wuxuu bogaadinayaa soona dhaweynayaa go’aanka Guddiga Doorashooyinka FEIT ee ku aaddan deegaan doorashada 2aad ee Jubbaland.”ayaa lagu yiri qoraal R/wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale intaasi waxaa uu hadalkiisa ku daray in uu ku boorrinayaa Guddiga Jubbaland iyo Dowlad-goboleedka Jubbaland in ay si dhaqso ah u soo dhammaystiraan kuraasta dhiman.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post