1203 Views

Midowga Musharaxiinta oo ku baaqay banaanbaxyo loogaga soo horjeedo Farmaajo

Midowga Musharaxiinta oo ku baaqay banaanbaxyo loogaga soo horjeedo Farmaajo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 14 2021–Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay banaanbaxyo nabadeed oo loogaga soo horjeedo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhammaaday waqtigiisa, isla markaana uu kursiga 6 maalmood ugu fadhiyo si sharci darro.

“Farmaajo wuu ilaalin waayay dastuurta dalka, isagoo hore dadka ugu sheegay in dalka laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah, hase yeeshee uu ku fashilmay arrintaas.”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Guddoomiyaha Golaha ay ku bahoobeen Musharaxiinta ayaa ku dhawaaqay in Muqdisho lagu qabanayo Banaanbaxyo waaweyn oo nabadeed, isla markaana lagu dalbanayo in la qabto doorasho heshiis lagu yahay, kaasi oo dhici doona Maalinta Jimcada soo socota, iyagoona shacabka ugu baaqay inay isu soo baxaan, kana soo qeyb galaan banaanbaxa.

Midowga Musharaxiinta ayaa hore sheegay inay aqoonsanayn madaxtinimada Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyagoo ku eedeeyay Farmaajo la heshiin waayay Madaxda dowlad Goboleedyada.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post