468 Views

Madasha Maalgashiga Soomaaliya iyo Sudan oo Muqdisho Ka Furmay

Madasha Maalgashiga Soomaaliya iyo Sudan oo Muqdisho Ka Furmay
____________________________________________________________________________

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Beena Beene ayaa maanta daahfuray madasha Maalgashiga Soomaaliya iyo Sudan oo muddo labo maalin ah ka socon doonta magaalada Muqdisho.Madashan oo uu soo qabanqaabiyay Xafiiska Dhiiragelinta Maalgashiga ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Soomaaliye ayaa waxa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka socday Dowlada Sudan oo ay hogaaminayso Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga dalka Sudan, Ahlam Madani Mahdi, iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo shirkado ganacsi oo ka kala socday labada dal.Ujeedka madashan ayaa ah is dhaxgalka ganacsatadda labada wadan kaasoo ku qotoma walaaltanimo iyo iskaashi iyadoo lagu kala saxiixday is fahan dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga ah, sida uu gabagabadii shirka uu ka sheegay wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.Madashu waxay ka tarjumaysaa xiriirka adag ee taariikhiga ah ee laba geesoodka ah, waxa ayna fursad aad u wanaagsan siin doontaa maalgashatada Suudaan si ay ula falgalaan hay’adaha dowladda iyo dhiggooda Soomaaliyeed.

_________________________________________

Qaranimo Online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post