1557 Views

Madaxweyne Xaaf”Waxaa Galmudug u degsan Siyaasad looga hortagayo khataraha dabka”

Madaxweyne Xaaf”Waxaa Galmudug u degsan Siyaasad looga hortagayo khataraha dabka”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  31, 2019 –Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay dabkii khasaaraha hantiyeed geystay ee ka kacay Goobo Ganacsi oo ku yaalla degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dhibaatada ka dhalatay dabka ka kacay Goobaha Ganacsi ee baabi’iyey hanti farabadan oo ay lahaayeen dad Shacab ah.

“Aniga oo ku hadlaya Magaceyga, kan Gole-yaasha Dowlada iyo Shicibka Dowlad Goboleedka Galmudug, Waxaan xanuunka iyo murugada si dhaw ula wadagayaa Ganacsatada Galmudug ee maalkooda ku waayay Dabkii saaka ka kacay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray Madaxweyne Xaaf in Galmudug siyaasad cad uga dagsan  tahay ka hor-taga khataraha Dabku ka mid yahay,isla markaana ay filayaan  dhawaan inay Magaalooyinka waa weyn ee Galmudug loo helo Gaadiidka Dab-damiska iyo Gargaarka degdega.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment