1155 Views

Nin u hanqal taagaya xilka madaxtinimo ee dalka Kenya oo ballan qaaday dadka is guursanaya deyn gaaraysa $4,400 (£3,300) iyo $8,800

Nin u hanqal taagaya xilka madaxtinimo ee dalka Kenya oo  ballan qaaday dadka is guursanaya deyn gaaraysa $4,400 (£3,300) iyo $8,800
____________________________________________________________________________

Isniin: December 6, 2021

 Nin u hanqal taagaya xilka madaxtinimo ee dalka Kenya ayaa u ballan qaaday dadka is guursanaya deyn gaaraysa $4,400 (£3,300) iyo $8,800 oo doollar haddii loo doorto xilka ugu sarreeya doorashada guud ee sannadka soo socota.

Barasaabka Ismaamulka Machakos Alfred Mutua, oo Axadii shaaciyay musharxnimadiisa madaxweynaha, ayaa sheegay in deynta lagu bixin karo muddo 20 sano gudahood ah ayna caawin doonto qoysaska cusub oo raba “in ay noloshooda ku bilaabaan si sharaf leh”.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladiisa ay ku dhiirigelin doonto shacabka dalka Kenya in beerista dhirta lagu daro hab lagu bixin karo meherka.

“Marka aad bixinayso meherka, waa in aad sheegtaa inta geed ee aad beertay,” Mr Mutua ayaa yiri intii lagu guda jiray daahfurka oo si toos ah looga sii daayay telefishinnada maxalliga ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post