1923 Views

Sacuudiga oo dib u soo celiyey xoolo Soomaaliya laga dhoofiyey

Sacuudiga oo dib u soo celiyey xoolo Soomaaliya laga dhoofiyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 10, 2018 – Caadiyan marka uu soo dhowaado mowsimka xajka, Soomaaliya waxaa laga dhoofiya xoolo aad u fara badan, kuwaasoo loo dhoofiyo dalka Sacuudiga.

Hase yeeshee laba maalmood ka hor, waxaa Sacuudiga laga soo celiyey markab siday xoolo dhawaan la dhoofiyey oo lagu qiyaasay ilaa 30 kun oo neef, sida laga soo xigtay ganacsato Soomaali ah.

Markabkii xoolaha qaaday oo la soo celiyey ayaa la filayaa inuu ilaa Sabtida ku soo xirto dekadda Bossaaso.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa ayadoo ay Soomaaliya la safatay dalka Sacuudiga oo xurguf diblomaasiyadeed ay soo kala dhex gashay iyaga iyo Canada.

Wasiirka xanaanada xoolaha ee Puntland Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa xaqiijiyey soo celinta xoolahaas,waxaana uu sheegay in ay baaris ku hayaan sababtii ay u soo celiyeen

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment