999 Views

Puntland oo dib u fasaxday lacagta shilin Somaliga oo horay looga diiday Degaankaas

Puntland oo  dib u fasaxday lacagta shilin Somaliga oo horay looga diiday Degaankaas
____________________________________________________________________________

 June 12 2021

Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta dib u fasaxday jajabka Lacagta danabaysan, oo ay hore u xannibtay wixii ka yar hal Dollar, si loo socod-siiyo isticmaalka Shilin Soomaaliga.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland, Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan), oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe, ayaa shaaciyay in dib loo fasaxay jajabka Dollarka danabaysan ee mobile-ka la isu’gu diro.

Wasiir Qawdhan ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan ganacsato ku sugan Puntland oo iska-qubay Lacag shilin Soomaali ah oo duugowday, islamarkaana dano siyaasadeed oo gaar ah ula jeeday tallaabadaas.

Sidoo kale Cabdi Qawdhan ayaa sidoo kale ku andacooday in Lacagta Shilin Soomaaliga ah laga isticmaalo magaalooyinka Puntland, xilli aysan jirin Lacag Shilin Soomaali ah oo ka shaqaysa gudaha Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post