1773 Views

Xukuumadda Somalia Oo Shaqada Ka Joojisay Xoghaye Lagu Eedeeyey Gudbinta Siraha

Xukuumadda Somalia Oo Shaqada Ka Joojisay Xoghaye Lagu Eedeeyey Gudbinta Siraha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 24, 2018 –Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomalaiya Cabdi Rashiid Maxamed Axmed ayaa Wareegto uu soo saarey waxa uu Shaqadii uga joojiyey Xoghayaha Joogtada ee Wasiirada.

Xoghayaha oo lagu Magacaabo Jamaal Qaasim Mursal ayaa waxa Shaqa ka joojintiisa lagu sheegay inay ku timid eedeymo dhowr ah oo loo jeediyey.

Wareegatda Wasiirka oo ku taariikheysan 22-ka Bishaan ayaa waxa xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Batroolka lagu eedeeyey ku xadgudubka hanaanka shaqo iyo hab maamulka wasaaradda,u gudbinta Siraha Wasaaradda dad kale oo aan Wasaaradda ka tirsaneyn iyo Cabasho ka timid qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment