1119 Views

Hindiya oo si wayn looga hadal hayo, waxa sababay dhimashada jilaa caan ah

Hindiya oo si wayn looga hadal hayo, waxa sababay dhimashada jilaa caan ah
____________________________________________________________________________

Sabti, 20 June [Qaranimo Online] Axadii hore, ayaa meydkiisa laga helay gurigii uu daganaa jilaaga Sushant Singh Rajput oo ka mid jilayaasha da’da yar ee dhowaan dardarta ku soo galay shirkadda aflaanta ee Bollywood-ka, waxaanna inta badan aflaantii uu jilay ay ahaayeen kuwa guula iska daba joog ah ka soo hoyay waxa loo yaqaan “Box Office”

Markii ay soo shaac-baxday geeridiisa, waxaa la shaaciyey in uu isagu is dal-dalay, waxaanna soo if-baxay shaki la xiriira in sababta is daldalaadiisu ay la xiriirtay ciil iyo caloolyoow ay badeen shaqsiyaad caan ah oo isugu jira soo-saarayaal iyo jilayaal Bollywood-ka ka tirsan.

Xaaladda ayaa waxay cirka isku shareertay, markii qaar saaxiibadiis ah, qoraallo baroordiiq ahaa oo ay soo dhigeen baraha bulshada ay ku sheegen inuu jiray cadaadis la saaray jilaaga.

Filim soo saaraha Shekhar Kapur oo ka mid ah kuwii ugu dhowaa  wuxuu bartiisa Twitter-ka ku soo daabacay  in sababta uu isu daldalay Sushant Singh Rajput ay aheyd heer la gaarsiiyey, isaga oo yiri:

“Waan ogaa xanuunka aad wajahaysay baryahan, waan la socday kuwa ku xaqirayey ilaa heer aad garbaheyga ku ooyso, waxaa fiicnaan laheyd 6-dii billood ee u dambeysay inaan kula joogo”

Sidoo kale, Kangana Ranaut oo ka mid gabdhaha jilayaasha ahna gabar hal-adag, ayaa sheegtay in geerida Sushan aan lagu tilmaami karin isdaldalaad ee ay tahay dil bareer ah.

Booliska ayaa wada baaritaanno kala duwan, waxaanna dadka ay fartu ku godan tahay ka mid ah shaqsiyaad jilayaal ah iyo soo saarayaal cuna-qabatayn saaray Sushan, waxaanna ka mid ah shirkadaha YashRaj, Dharma & Salman khan production.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post