942 Views

Ciidamada Ruushka oo kusii dhawaanaya Magaalada Kyiv

Ciidamada Ruushka oo kusii dhawaanaya Magaalada Kyiv
____________________________________________________________________________

Talaado: March 1, 2022

Waxaa faah-faahino hordhac ah laga helayaa dagaalka ka socda Ukraine, Ugu yaraan 70 askari oo ka tirsan kuwa Ukraine ayaa lagu dilay duqeynta Ruushka, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Ukraine.

Sidoo kale, Warar ayaa sheegaya in xarunta gobolka Kherson ay hadda ku hareereysan yihiin ciidamo Ruush ah, iyadoo la sheegayo in askar iyo qalab milateri ay ka jiraan “dhinac walba”

Ciidamada Ruushka ayaa si tartiib tartiib ah ugu sii dhawaanaya Kyiv, iyadoo sawirada dayax-gacmeedka ay muujinayaan kolonyo gaashaaman oo dhererkeedu dhan yahay ilaa 40 mayl (65km).

Sidoo kale, Shaqaalaha gargaarka deg-degga ah ayaa wali baadigoobaya dad ka badbaaday weerarka oo burburka ku hoos jira.

Tobaneeyo qof oo rayid ah ayaa lagu dilay gantaallada Ruushka uu ku garaacay magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post