1875 Views

Dowladda oo sheegtay in la toogtay Haweeney dooneysay inay Saldhig isku qarxiso

Dowladda oo sheegtay in la toogtay Haweeney dooneysay inay Saldhig isku qarxiso
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 08, 2019 —Sida ay baahisay Warbaahinta Dowladda Soomaaliya Ciidammada ammaanka degmada Baardheere ee gobolka Gedo  ayaa Maanta  toogasho ku diley Haweeney dooneysay inay isku qarxiso Saldhiga Booliska degmada Baardhere.

Haweeneyda ayaa xilligaasi waxay ka soo degtay Baabuur Caasi ah ama Homey ah oo ka yimid Magaalada Baydhabo,waxaana ay  bambo ku tuurtey Ciidanka ilaalada ah ee ku sugnaa afaafka hore ee saldhiga, iyada oo  halkaasi ay ku dhaawacmeen ilaa 2 askari.

Sidoo kale Dowladda ay aa sheegtay in baaritaano lagu sameeyay medyka Haweeneyda laga soo saaray walxaha qarxa iyo Lambar sireedkeeda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment