720 Views

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Trump oo ka badbaaday maamuus ka xayuubin

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Trump oo ka badbaaday maamuus ka xayuubin
____________________________________________________________________________

Axad February 14/2/2021

Golaha Senat-ka ee Mareykanka ayaa Sabtidii dambi ku waayay Donald Trump, dacwaddiisii labaad ee maamuus ka xayuubinta oo laga soo gudbiyo muddo sanad gudihiis ah.

Xubnaha Jamhuuriga ee ee kujira aqalka Senat-ka ayaa is hortaag ku sameeyay in lagu helo madaxweynihii hore inuu door ku lahaa, weerarkii dhimashada dhaliyay ee boqolaal taageerayaashiisa ah ay ku qaadeen dhismaha xarunta golaha sharci dajinta lixda bishii lasoo dhaafay.

Golaha ayaa xilligaasi u fadhiyay ansixinta guushii madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden uu ka gaaray doorashadii dhacday saddaxda November ee sanadkii lasoo dhaafay.

Codeyntii golaha Senat-ka ee noqotay 57 iyo 43 ayaa ku filnaan weyday inay dhamaystirto tiradii loo baahnaa si Trump loog helo inuu galay dacwaddii lagu soo oogay, kadib shan oo maalmood dhageysigeeda uu ka socday isla xaruntii ay weerareen taageerayaashiisa oo waqtigaasi maqlay hadallo kulkul oo isagu uu jeediyay.

7 kamid ah 50-ka xubnood ee xisbiga Jamhuuriga kaga jira golahaasi ayaa kula biiray Demoqoraadiyiinta in Trump lagu xukumo dacwaddii lagu soo oogay.

Demoqoraadiyiinta ayaa intii dhageysiga dacwadda maamuus ka xayuubinta uu socday soo bandhigay muuqaallo naxdin leh oo muujinaya weerarkii xarunta golaha sharci dajinta ay ku qaadeen taageerayaasha madaxweynihii hore iyagoo sheegay inuu si toos ugu lug lahaa, laakiin qareennadii difaacayay Trump ayaa sheegay in eedaha loo heysto ay yihiin kuwo siyaasadeed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post