780 Views

Dowladda Cummaan oo sheegtay in ay gacan ka geysatay sidii loo sii deyn lahaa 14 ajaaniib ah oo lagu haystay caasimadda Yemen

Dowladda Cummaan oo  sheegtay in ay gacan ka geysatay sidii loo sii deyn lahaa 14 ajaaniib ah oo lagu haystay caasimadda Yemen
____________________________________________________________________________

Axad: April 24, 2022

Dowladda Cummaan ayaa sheegtay in ay gacan ka geysatay sidii loo sii deyn lahaa 14 ajaaniib ah oo lagu haystay caasimadda Yemen ee Sanca oo ay maamulaan Xuutiyiinta.

Wasaaradda arrimaha dibadda Cummaan ayaa sheegtay in dadki la sii daayey loo wareejiyay caasimadda Cumaan ee Muscat, si dib loogu celiyo dalalkooda.

Kooxdan ayaa waxaa ku jira 7-qof oo u dhashay dalka Hindiya, nin British ah, xaaskiisa iyo cunug uu dhalay, 1 qof oo Filibiin, 1 qof oo Indunisiyan ah, 1 qof oo Itoobiyaan ah iyo 1 qof oo u dhashay dalka Myanmar.

Tallaabadan ayaa daba socota xabbad joojin laba bilood ah oo ay ku heshiiyeen fallaagada Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran iyo isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo ee dawladda taageersan, kuwaas oo Yemen ku dagaallamayay tan iyo 2015-ki.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post