2205 Views

Dilkii loo geystay guddoomiyihii degmada Xamar Jajab xalay oo loo adeegsaday Baangad.

Dilkii loo geystay guddoomiyihii degmada Xamar Jajab xalay oo loo adeegsaday Baangad.
____________________________________________________________________________

April 17, 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaabkii uu u dhacay dilkii loo geystay Guddoomiyihii degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, Maxamed Cabdi Xayle oo xalay lagu dilay  xaafadda Sarkuusta ee duleedka Muqdisho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inay  dilka fuliyeen saddex rag ah iyo qof dumar ah oo la sheegay inay fududeysay falka lagu khaarijiyey marxuumka, taas oo la sheegay inay iska dhigtay haweenay daris la ah qoyska oo magaceeda lagu sheegay Farxiyo.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale shaaciyey in ragga dilka geystay ay wateen Baangad, kuna dhaawaceen guddoomiyaha, iyaga oo kadib sii gowracay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in wax ilaalo ah aysan joogin guriga xilliga uu dhacayey dilka qorsheysan ee loo geystay guddoomiyihii maamulka degmada Xamar Jajab.

https://21bcd8168484a718fdd057672260d1e2.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html .

 

https://www.facebook.com/plugins/like.php?href=https%3A%2F%2Fwww.facebook.com%2Fcaasimadda&width=67&layout=button&action=like&size=large&share=false&height=65&appId=1638407442842626

 

Office Nairobi Kenya

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post