963 Views

SAWIRO:-Khasaaro ka dhashay Roob dabeylo watay oo ka da’ay Soomaaliland

SAWIRO:-Khasaaro ka dhashay Roob dabeylo watay oo ka da’ay Soomaaliland
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-12-2020–Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Roob dabelyo xoogan watay waxaa uu ka da’ay Degmadda Sallaxley oo ka mid ah degmooyinka Gobolka ay Soomaaliland ula baxday Maroodi Jeex kaas oo sababay khasaaro hantiyadeed.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Roobka dabeylaha watay uu khasaaro garsiiyay Xarumaha Maamulka iyo Guryo ay deganaayeen Dad Shacab ah walow uusan ka dhalan khasaaro nafeed.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa sheegay in Roobkan dabaysha watay meelaha khasaaraha gaarsiiyey ay kamid yihiin Dugsiga Sare ee Degmadda, kii Hoose dhexe ,Isbitaalka iyo Guryo badan oo dadweynuhu leeyihiin iyo Weliba Xarunta dawladda hoose ee degmadda sallaxley.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex waxaa uu sheegay in hal qof oo dumar ah ay Kooma gashay kadib markii uu ku soo dumay Dhismaha Isbitaalka degmada, iyada oo dhamaan bukaanadii Isbitaalka jiifay laga saaray si aysan dhibaato u gaarin.

Maamulka degmada Sallaxley ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay tirakob rasmi ah ku sameyn doonaan khasaaraha ka dhasha roobkaasi dabeylaha watay,kaas oo sameyn wyen ku reebay Bulshada degmada iyo Maamulkaba.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post