804 Views

Muqdisho: Rag weeraro ka fulin rabay Somaliland iyo Dowlad deegaanka oo la xukumay

Muqdisho: Rag weeraro ka fulin rabay Somaliland iyo Dowlad deegaanka oo la xukumay
____________________________________________________________________________

Axad: May 22, 2022

Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sid ayaa maanta xukun ku riday saddex nin oo ku eedeysan in ay weeraro ka fulin rabeen Somaliland iyo Dowlad deegaanka Soomaalida.

Raggaan oo magacyadooda la kala yiraah : Usaama Cabdi-Nuur Saciid, Cabbdi-Samad Cabbdullaahi Maxamed iyo Sakariye Axmed Cabdullaahi ayaa Xeer Ilaalinta ciidamada soo bandhigeen caddeymo ku aadan in ay ka tirsan yihiin uruka Al-shabaab.

Usaama Cabdi-Nuur Saciid iyo Cabbdi-Samad Cabbdullaahi Maxamed waxa ay kuwada dhasheen Burco halka Sakariye Axmed Cabdullaahi uu ku dhashasy Hargaysa.

Maxkamadda ayaa sheegtay in mas’uuliyiin Al-shabaab ugu magacaaban Gobalada Waqooyi ay ku qanciyeen raggaan in ay u safraan Koofurta Soomaaliya, iyaga oo soo maray Magaalooyinka Burco, Garoowe iyo Muqdisho. Waxaa ay gaareen magaalada Jilib oo ay ka taliyaan Al-shabaab, maalmo Nasiino ah kadib waxa ay uga sii gudbeen Bu’aale oo lagu baray tababar 90 Cisha ah Isticmaalka Qoryaha AK47-G3-BKM- F1 & PISTOL.

Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ku dhowaaqay Xukunka Maxkamadda ayaa raggaan ku xukumay min 8-sano oo Xabsi Ciidan ah. Waxaana u furan racfaan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post