1098 Views

Kim oo la sheegay in uu laayay Mas’uuliyiintii u qaabilsanaa Wadahadallada Mareykanka

Kim oo la sheegay in uu laayay Mas’uuliyiintii u qaabilsanaa Wadahadallada Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 1,, 2019  –Qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn uga hadleysa Warbixin cusub oo sheegaysa Hoggaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi Kim Jon Un in uu laayay inta badan Hoggaamiyeyaasha u qaabilsanaa Wadahadalladii Mareykanka iyo Kuuriyadda Waqooyi.

 

Waxaa la xaqiijiyay in la dilay Wakiilkii gaarka ahaa ee North Korea u qaabilsanaa wadahaladdii Kim iyo Trump ee ka dhacay magaalada Hanoi ee dalka Vietnam 28 February 2019 .

 

Ninka la dilay oo lagu Magacaabo Kim Yong-chol ayaa ahaa  Gudoomiye kuxigeenka guddiga xisbiga shaqaalaha ee uu hogaamiyo Kim Jong Un.

Ilo muhiim ah ayaa xaqiijiyay in sidoo kale la toogtay 4 Mas’uul oo ka tirsan  Wasaarada arimaha dibadda ee Waqooyi Kuuriyadda.

 

Hoggaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi Kim ayaa ku eedeeyay in dadka uu laayay in ay u basaaseen dalka Mareykanka xog muhiim ah ,islamarkaana ay sabab u ahaayeen fashilkii ku yimid Shirkii Kim iyo Trump ee dalka Vietnam.

 

Ku dhawaad 10 ruux oo uu ka mid ah yahay Turjumaankii Kim Xilligii wada xaajoodka oo lagu eedeeyay in ay wada shaqeyn la yeesheen ragga la dilay ayaa xabsiga loo taabaxay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment