759 Views

Wasiirka waxbarashada Somaliland iyo wasiirka waxbarashad Kenya oo kulan yeeshay

Wasiirka waxbarashada Somaliland  iyo wasiirka waxbarashad Kenya oo kulan yeeshay
____________________________________________________________________________

Axad: August 22, 202

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye Toorno, iyo wasiirka waxbarashad Kenya George Magoha, , ayaa kulan ay qaateen kaga wada hadley sidii loo kordhin lahaa, iskaashiga ka dhaxeeya labadda dhinac.

Wasiir Toorno, ayaa tilmaamey in safarkiisa ujeedooyin kala duwan xambaarsan yahay, isagoo sheegay tan koowaad iney tahay wada xaajood ay la yeelanayaan hey’adaha deeqda waxbarasho siiya.

Toorno, ayaa dhanka kale carabka ku dhuftey iney doonayaan in xiriirka waxbarasho ee Kenya ay la leeyihiin iney doonayaan iney balaariyaan.

Wasiir Toorno, ayaa intaa raaciyey iney si gaar ah u daneynayaan in laga kaalmo jaamacadaha Somaliland dhanka tayeynta waxbarashada, cilmi baarista iyo farsamada gacanta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post