960 Views

Puntland oo Maanta soo geba-gabeeysay doorashada Golaha Shacabka

Puntland oo Maanta soo geba-gabeeysay doorashada Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Puntland ayaa Maanta soo geba-gabeeyay doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Puntland, iyaga oo qabtay doorashada lixdii kursi ee ugu dambeeysay.

Magaalada Garoowe ayaa lagu doortay lixda kursi, waxaana goobjoog ka ahaa Xubno kamid ah Guddiga doorashooyinka Heer federaal, waxaana kuraasta lixda ah ee Maanta soorashadooda la qabtay ay kala yihiin.

1: Kursiga Hop#073 oo uu horay ugu fadhiyay Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa waxaa ku guuleystay Eng Maxamed Cabdullaahi Kayse, kadib markii uu tartanka isaga haray Musharaxii la tartamayey ee Cabdullaahi Cabdi Jaamac, wuxuuna helay dhamaan codadka Ergada oo ahaa 101.

2: Kursiga labaad ee Hop#199 oo ay horay ugu fadhisay Xaawo Yuusuf Axmed ayaa waxaa ku guuleystay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur yare kadib markii ay u tanaasushay Luul Abshir Diiriye oo la tartami laheyd, waxanaa uu helay Codadka 100 Erg oo goobta ku sugneyd.

3: Kursiga Saddexaad Hop#198 ayaa waxaa ku guuleystay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Puntland Cismaan Cali Yuusuf kadib markii uu tanaasulay Cabdiraxman Ciise Maxamed oo la tartami lahaa, wuxuuna helay Cismaan Cali Yuusuf 97 Cod oo ah Ergadii fadhiday.

4: Kursiga Afaraad ee Hop#129 ayaa waxaa ku guuleysatay Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo kursigaan horay ugu fadhisay kadib markii tartanka ay ka hartay Sacdiyo Cabdilaahi Salaad, waxaana Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ay heshay 99 Cod, waxaana Sacdiyo Yaasiin kamid aheyd Xildhibaanadii kasoo horjeeday 5-tii sano ee la soo dhaafay nidaamka Madaxweymaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

5: Kursiga Shanaad ee Hop#191 ayaa waxaa ku ku guuleystay Eng Cabdixakiin Maxamed Jaamac kadib markii uu u tanaasulay Maxamed C/xamiid Warsame oo la tartami lahaa, waxaana Eng Cabdixakiin Maxamed Jaamac uu helay dhamaan codadka Egada oo ah 101 Cod.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post