855 Views

Kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Magaalada Beledweyne

Kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Magaalada Beledweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 02, 2021–Kulanka oo looga hadlayay sidii loo xaqiijin lahaa amniga Guud ee magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta lagu qabtay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ee Magaalada Beledweyne.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed), waxaana sidoo kale goobjoog ka ahaa saraakiisha taliska qeybta 27aad iyo Taliyaasha  Ciidamada Jabuuti iyo Itoobiye ee qeybta  ka ah Howgalka AMISOM.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu gorfeyeey sida lagu xaqijiin karo amniga magalada Beledweyne xilli Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Beledweyne ay ka dhacayeen dibadbaxyo looga soo horjeedo Maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle.

Taliyaha Booliska Hir-Shabeelle  Korneyl Xasan Dhicisow Xasan ayaa warbixin ka siiyay Madaxwyene kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) xaalada amni ee Gobolka Hiiraan, waxana uu sheegay in Amniga uu yahay mid wanaagsan

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle  Yuusuf Axmed Hagar Dabgeed ayaa ugu baaqay Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada inay dardar geliyaan howlaha sugida Amniga degaannada Gobolka Hiiraan.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay banaanbaxyo looga soo horjeedo maamulka Hir-Shabeelle, iyada oo laamaha amniga ay Xabsiga dhigeen qaar kamid ah dadkii soo abaabulay banaanbaxyada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post