978 Views

Beesha caalamka oo shuruudo ku xirtay maalgelinta doorashada Soomaaliya

Beesha caalamka oo shuruudo ku xirtay maalgelinta doorashada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 17, 2021


Warqadda oo ku socota ra’iisal wasaaraha, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, guddiyada doorashada ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ayay marka hore ku sheegeen inay soo dhaweynayaan doorashadii aqalka sare ee dhawaan la soo gabagabeeyay.

Waxay sidookale sheegeenn inay rajeynayaan in doorashada ugu dambeyn la soo gabagabeyn doono 24-ka bisha Diisembar ee sanadkan.

Safaaradaha Ingiriiska, Mareykanka iyo Norway ayaa warqadda ay wadajirka u soo saareen ku sheegay inay bixin doonaan lacag gaareysa 3.7 milyan oo dollar oo ay codsadeen xafiiska ra’iisal wasaaraha iyo guddiga doorasho ee heer Federaal.

Hasa yeeshee, waxaa ay shuruudo ku xireen bixinta dhaqaalahaasi. Shuruudahaasina waxaa kamid ah,

1. Doorashadu inay sii socoto isla markaana ay ka dhacdo sadex maamul goboleed.

2. Waa in la dhameystiro laba meelood meel kuraasta dhamaan goobaha ay doorashadu ka dhaceyso.

3. In lacagaha diiwaangelinta xidhibaanada lagu soo shubo bangiga dhexe.

Waxay sidookale sheegeen inay hubinayaan qorshe cadeynaya in la hubiyo qoondada boqolkiiba sodonka ah ee dumarka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post