1212 Views

SAWIRO:-Jubbaland oo soo bandhigtay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

SAWIRO:-Jubbaland oo soo bandhigtay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 15, 2020—Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta magaalada Kismaayo waxaa ay kusoo bandhigtay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay sheegeen inay isku-soo dhiibeen.

 

Xubnahaan oo garaya Sideed ayaa waxaa ay u badan yihiin dhalinyaro,waxaana la sheegay in muddo dhowr sano ah ay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab,hayeeshee ay kasoo baxeen.

 

 

 

Sarakiil ka tirsan Nabadsugida Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in on Xubnahaan ay la soo xiriireen si ay uga soo baxaan Al-Shabaab lana soo dhaweeyey,sidoo kalena la geeyey xarun lagu haayo Xubnaha kasoo baxa Al-Shabaab.

 

 

 

Jubbaland ayaa maalma ka hor waxaa ay sidaan oo kale u soo bandhigtay Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab kana howlgeli jireyu Gobolka Gedo,kaas oo isku soo dhiibaey Ciidamada Jubbaland ee ku sugan degmada Balad Xaawo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment