294 Views

Warbixinta Wafdigii Midowga Afrika ee Qiimaynta ku sameeyay Xaalada Somalia

Warbixinta Wafdigii Midowga Afrika ee Qiimaynta ku sameeyay Xaalada Somalia
____________________________________________________________________________

Khamiis: DECEMBER 15, 2022

Guddi Midowga Afrika (AUPRC) u qaabilsan Qaxootiga, iyo Barakacayaasha (IDPs) oo uu hoggaaminayo Danjire Adenkule J.M. King ayaa soo gebagebeeyey qiimeyn 5 maalmood ah oo ay ka wadeen Soomaaliya, iyagoo ballan-qaaday in Midowga Afrika uu sare u qaadi doono wax ka qabashada xaaladda bini’aadantinimo ee dalka.

Guddigan ayaa wada-hadallo la yeeshay Hoggaanka sare ee hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), oo uu hoggaaminayo Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya (SRCC) iyo madaxa (ATMIS), Ambassador Mohamed El-Amine Souef, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed “Laftagareen”, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Axmed Macalin Fiqi, Safiirada dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TTCs) iyo wakiilo ka socda Barakacayaasha.

Isagoo Warbaahinta kula hadlayay Xarunta ATMIS ee Magaalada Muqdisho, Danjire Adenkule J.M. King  ayaa muujiyay sida ay Midowga Afrika u garab taagan yihiin dadaallada socda ee lagu soo celinayo nabadda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay dhammaan taageerada Midowga Afrika, beesha caalamka, iyo urur goboleedka Geeska Afrika, sababtoo ah wax ka beddelka waddan colaadaha ka soo kabanaya ma aha hawl fudud. Dagaalku wuxuu baabi’iyaa guud ahaan dhismaha dal kasta,” ayuu yiri Amb. King.

Wafdiga ayaa booqday xeryo barakacayaal ah oo ku yaalla gobolka Baay oo ka mid ah gobollada ay sida weyn u saameeyeen abaaraha, halkaasoo dad lagu qiyaasay 330,000 oo qof ay ku barakaceen abaaro iyo colaado.

Gobolka Baay ayaa leh tirada ugu badan ee dadka gudaha ku barokacay ee wajahaya xaalado bini’aadantinimo oo aad u ba’an iyadoo ay yartahay ka jawaabidda gurmadka abaaraha.

Booqashadan ayaa qeyb ka ahayd qiimeynta Midowga Afrika oo looga jawaabayo saameynta abaarta daba dheeraatay, taasoo keentay in in ka badan 1.5 milyan oo qof oo ku nool Koonfur Galbeed ay soo food saartay cunto yari iyo nolol xumo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post