2097 Views

Jabhadda ONLF Oo Xabbad Joojin Ku Dhawaaqday

Jabhadda ONLF Oo Xabbad Joojin Ku Dhawaaqday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 12, 2018 –  Jabhadda ONLF ayaa magaalada Nairobi maanta kaga dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac, ka dib muddo tobanaan sano ah oo ay dagaal kaga soo hor jeedday dawladda Itoobiya.

Qoraal ay soo saareen ayey ku sheegeen in xabbad joojinta oo dhaqan galaysa 12ka duhurnimo ee 12ka Agoosto ay salka ku hayso “baaqa nabadeed ee hogaamiyaha Itoobiya Abiy Axmed, iyo talaabooyinka ay xukuumaddu qaadday ee ay aasaaska ugu dhigayso wadahadallo nabadeed”.

“Waxaan u aragnaa in xabbad joojintu ay dadkeenna maslaxad u tahay”, sidaa waxaa yiri C/qaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), afhayeenka ONLF,isagoo jooga Nairobi.

“Waxaan diyaar u nahay in maadaama dadkayagu ay muddo dheer dulmi tirsanayaan, in miis dushii lagu xalliyo dhibaatooyinka aan tirsanayno oo aaya ka talin ka mid tahay oo nabad gelyo ka mid tahay, oo xuquuqo badan oo kale ka mid yihiin” ayuu sii raaciyey Caddaani.

Wuxuu sheegay in arrinta xabbad joojinta halka dhinac ah ay isla soo qaadeen dawladda Itoobiya.

Itoobiya weli wax jawaab ah kama aysan bixinin baaqaas.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment