897 Views

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada (WFP) oo sheegtay iney ku dhufatey koonfureed ee dalka Madagascar

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan  cuntada (WFP) oo  sheegtay iney ku dhufatey koonfureed ee dalka Madagascar
____________________________________________________________________________

Arbaco : June 23 2021

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka cuntada (WFP), ayaa sheegtay iney ku dhufatey dhanka koonfureed ee dalka Madagascar, abaartii uggu xumeyd ee afartankii sano ee uggu danbeeyey.

Madaxa hey’addan David Beasley, kaasoo haatan safar ku kala gaala bixinaya goobaha dhibaatadu ka jirto, ayaa sheegay haddii aanan gargaar deg deg ah lala gaarin, dad gaaraya nus milyan ay salfan doono abaartan, iyadoo 80,000 oo kalana ay iyaguna saameyn doonto abaartan.

Wuxuu intaa ku darey David Beasley, inuu ka naxey waxa uu kusoo arkey koonfurta dalka Madagascar, taasoo ah in carruurta ay noqdoon lafo iyo maqaar, halka qoysaskuna ay cunayaan dhoobada iyo qolofka miraha qudaarta, maxaa yeelay wax kale oo ay cunaan ayaan jirin.

Wuxuu ku tilmaamey abaartani masiibo la ilaawey, halka ay ka dhaceysana aanan wax badan laga soo waramin.

Wuxuu tilmaamey madaxa hey’adda cuntada in dalalka qaniga ah ay saaran tahay waajibaad bani’aadanimo, si ay caawimad ugga geystaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post