417 Views

Dowladda Soomaaliya oo QM ka dalbatay Baaritaan ku aadan dhimashada dhalinyaro Soomaaliyeed

Dowladda Soomaaliya oo QM ka dalbatay Baaritaan ku aadan dhimashada dhalinyaro Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Khamiis: February 10, 2022

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay gaar ahaan hay’adda u qaabilsan Qaxootiga, dalalka Giriiga iyo Turkiga ka dalbatay in ay baaritaan baaritaan deg deg ah ku sameeyaan dhimashada shan wiil oo Soomaali ah kana mid ahaa tahriibayaal saarnaa Doon ka baxday Turkiga, kuna sii jeeday wadanka Giriiga.

WarSaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu Cambaareeyay dhimashada dhalinyarada oo magacyadooda kala ahaayeen Cabdi Mandi Cali,  Yaxye Jamaal Muumin, Abuubakar Axmed Ibraahim, Naasir Sulemaan Xasan, Najax Cabdi Axmed.

Qoraalka Wasaaradda ayaa sheegay in dhalinyaradaan aan loo fidin gargaarkii ay u baahnaayeen oo ahaa in la soo badbaadiyo maadaama ay galeen ay galeen Xaaladda Khatar ah, taasi oo ka hor imaaneysa xeerarka Caalamiga.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u soo jeedinaysaa dalalka ay khuseyso iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR inay si deg deg ah u daba galiyaan oo ay baaritaan ku sameeyaan xaaladdaha ku xeeran dhimashada muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxayna si kulul u cambaareyneysaa xadgudubyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha, karaamada Aadanaha iyo Badbaadada nolosha bini’aadamka si waafaqsan Axdigii 1951 ee laxidhiidha Xaalada Qaxootiga iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.

Badda u dhaxeysa dalalka Turkiga iyo Giriiga ayaa waxaa mar kasta waxaa isticmaala tahriibeyaal ku socda Yurub, iyadoo dowladda Giriiga ay si adag ula dhaqanto kana soo celiso dalkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post