990 Views

QM oo Cambaareysay weerarkii lagu qaaday xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane

QM oo Cambaareysay weerarkii lagu qaaday xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October13—2019 —Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, wuxuu cambaareeyay Hoobiyeyaashii maanta lagu qaaday xarumaha Qaramada Midoobay iyo AMISOM ee ku yaal caasimadda Soomaaliya gaar ahaan Xalane

“Waxaan aad ula yaabay ficilkan argagaxa leh ee argaggixisannimada ee lagula kacay shaqaalaheenna, kuwaasoo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeeya arrimaha samafalka, dhismaha nabadda, iyo arrimaha horumarinta. Nasiib wanaagse, inbadan oo shaqaalaheenna ah ayaan wax cabsi ah laga qabin. Waxaan u rajeynayaa asxaabteena dhaawacmay inay si buuxda uga soo kabsadaan dhaawacyadooda, ”ayuu yiri Mr. Swan.

“Ma jirto sabab loo qaadan karo falalkaas naxariis darrada ah, Qaramada Midoobayna waxay wali ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto jidkeeda nabadda, xasilloonida iyo horumarka.” ayuu kusii daray Swan.

Inta la xaqiijiyay Todobo Qof oo Sadex kamid ah ay yihiin Askarta Ciidamada Amisom Laba kalana ay ahaayeen Shaqaale ka shaqeynayay Dhismaha iyo Hal Qof oo kamid ah Shaqalaha Beesha Caalamka ayaa ku dhaawacmay Hoobiyeyaasha.

Xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane ayaa ah goob ay degan yihiin xubnaha beesha Caalamka, waxaana sidaan oo kale dhowr jeer lagu qaaday weeraro Khasaare geystay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment