837 Views

Taliska Ciidanka Booliska oo ka hadlay saddex Haween maydkooda la soo dhigay Degmada Deyniile

Taliska Ciidanka Booliska oo ka hadlay saddex Haween maydkooda la soo dhigay Degmada Deyniile
____________________________________________________________________________

Axad February 14/2/2021

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay saddex Haween oo waaberigii hore ee saakay lagu dilay gudaha Degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in Booliska Soomaaliya uu baaritaano kala duwan ku wado dilka loo geystay Saddex Haween oo laba kamid ah ay ahaayeen xaamilo oo la sheegay in dilkooda loo adeegsaday rasaas.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in dadkii ka dambeeyay falkaas ay ahaayeen xubno la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, isla markaana haatan Booliska dowladda uu baaritaano ku wado dilkaas ka dhacay degmada Deyniile.

Booliska Soomaaliya ayaa baaraya dil loo gaystay Saaka 3 Dumar ah oo 2 ka mid ah ay Xaamilo ahaayeen, kuwaasoo ay toogteen xubno la rumaysan yahay inay Argagixiso yihiin.” Ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxaa ay ku warrameen in Meydadka saakay dadkaas lagu arkay Waaxda kur-damac ee degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, isla markaana la aqoosan waayay waxa ay ahaayeen dumarka la dilay.

Habeen horey ayey markii sidaan oo kale Meydadka 4 qof oo rag ah, isla markaana la dilay lasoo dhigay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, iyadoona dadka deegaanka falkaas uu ku noqday mid argagax ku abuuray.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post