813 Views

Dad lagu qiyaasay 100 ruux oo lagu laayay waqooyiga gobolka Oromia

Dad lagu qiyaasay  100 ruux oo  lagu laayay waqooyiga gobolka Oromia
____________________________________________________________________________

Dad tiradooda lagu sheegay wax ka badan 100 ruux ayaa lagu laayay waqooyiga gobolka Oromia, oo ah kan ugu dadka badan dalka Itoobiya.

Weerarkan ayaa sida ay laamaha amniga sheegeen waxaa geystay xubno ka tirsan ururka hubeysan ee lagu magacaabo Coodanka Xoreynta Oromada.

Dhacdadan ayaa kusoo aadday xilli qalalaasaha iyo weerarrada salka ku haya qabaa’ilka ay kasii socdaan dalka Itoobiya, wuxuuna cadaadiska kusii kordhayaa dowladda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo horay ugu guuleystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka.

Xafiiska Abiy ayaa tacsi u diray ehelada dadkooda la laayay. Wararka ayaa sheegaya in dadka weerarka lagu dilay ay dhammaantood kasoo jeedeen qowmiyadda Amxaarada.

Qoraal uu Ra’iisul Wasaaraha soo dhigay bogga uu xafiiskiisa ku leeyahay Facebook-ga ayuu ku yidhi: “Waxaan aad uga murugsanahay weerarka loo geystay dadka reer Itoobiya ee salka ku haya heybta”.

“Cadowga Itoobiya way sii bateen iyagoo dhahaya ‘wax baan xukumi doonnaa, kuma noolaad doonno waddan’ dadaalkooda oo dhanna arrintaas ayey isugu geynayaan. Ujeedooyinkooda waxaa ka mid ah inay dhib u abuuraan dadkeenna.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa.

Tirada rasmiga ah ee dadka la laayay lama xaqiijin karo, hase yeeshee dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa sheegay inay kor u dhaafayaan boqol qof.

Dowlad goboleedka Oromada ayaa maanta soo saartay bayaan ay falkaas dhacay galinkii dambe ee Axadda ugu qeexeyso “ficil argagixiso”.

Afhayeen u hadlay maamulka Oromia, oo lagu magacaabo Getachew Balcha, ayaa BBC-da u sheegay in weerarradaas ay ka dambeeyeen dad jabhad ah oo ka goostay garabka hubeysan ee xisbiga mucaaradka Oromada.

Koox xaqiiqo raadin ah ayaa loo diray degmada Guliso – oo ah goobta ay dilalka ka dhaceen – si ay usoo qiimeeyaan inta ay dhibaatada dhacday gaadhsiisan tahay.

Laakiin tirada dhimashada ayaa laga yaabaa inay inta la qiyaasayo ka badan tahay, sida uu sheegay Getachew.

Warbaahinta dowladda ee luuqadda Amxaarada – oo ah tan labaad ee ugu caansan dalka Itoobiya – ayaa soo tabisay in dadka falkaas geystay ay 200 oo ruux meel isugu geeyeen, ka hor inta uusan weerarka dhicin.

Tobannaan guri ayaa sidoo kale dab la qabadsiiyay, sida lagu soo warramay.

Labadii bilood ee lasoo dhaafay, dad badan oo rayid ah ayaa lagu dilay qalalaase qowmiyado ku saleysnaa oo ka dhacay dalka Itoobiya.

Xiisado ayaa billowday markii dib u dhigis lagu sameeyay doorashadii la filayay, sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee corona.

Mudaharaadyo ka dhacay magaalada Addis Ababa iyo qeybo kale oo ka mid ah waddankaas ayaa lagu muujinayay carada laga qaaday go’aanka dowladda loogu oggolaaday inay xilka sii haysato waqti aan loo cayimin.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Tigray-ga ayaa cadaadiska ugu adag saaraya Ra’iisul Wasaaraha kasoo jeeda qowmiyadda Oromada.

Abiy, ayaa awoodda dalka qabtay ka dib muddo 3 sanno ah oo ay socdeen dibadbaxyo ay hoggmaaminyeen qowmiyadda Oromo.

Ra’iisulwasaarah oo ka soo jeeda qowmiyaddan, ayaa isku dayey inuu horseedo isbadello badan, isagoo heshiis nabadeed la sixiixday dalka dariskooda ah ee Eretariya.

Isbadelladan ayaa soo jiitay malaayiin maalgashadeyaal ah, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolka bariga dhexe.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post